WFP oo Qaxootiga Dhadhaab ku wargelisay in laga billaabo July ay dhimeyso 20% Raashinka ay siiso.

by admin | Saturday, Jul 8, 2023 | 116 views

Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee WFP ayaa Qaxootiga ku nool Xeryaha Dhadhaab ku wargelisay in laga billaabo bishaan July 2023 ay dhimeyso raashinka ay siiso celcelis ahaan 20% kaddib markii dhaqaale la’aan soo wajahday.

Dadka u diiwaangashan Hay’adda WFP ayay fariin ugu dirtay telefoonnada ay ka diiwaangelisay iyada oo u sheegtay keliya in boqolkiiba labaatan ay dhimeyso raashinka ay siiso qoysaskaan waqtiyada kala duwan ku nool Xeryaha Dhadhaab.

Qaar kamid ah Dadka Fariinta loo diray ayaa sheegay in aanay jecleysan fariintaan maadaama xaalad adag oo dhanka cunnada ah ay ku nool yihiin iyada oo ay usii dheer tahay in caafimaadka xeryahooda aanay wanaagsaneen.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka walaacsan Qaxootiga cusub ee Xeryaha Dhadhaab dhowaan tegay kuwaas oo saameyn taban ku reebeen Abaarta, Fatahaadda iyo colaadda ka jirta Soomaaliya balse aan heysan kaararka raashinka lagu qaato.

WFP ayaa sanado kahor waxa ay dhintay qiimaha celceliska ee Raashinka kaalmada ah ay siiso Qaxootiga ku sugan Xeryahaas iyada oo reebtay 30%, muddo kaddib ayaa dib loogu fasaxay dadkaas inkasta oo haatan markale dib loogu laabtay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine 24kii Febaraayo 2022 ay sababtay dhibaatooyin muuqda oo dunida inteeda kale gaartay waxaana ugu weyn in la waayay Raashinka Gargaarka ah oo laga qaadi jiray Dekdaha Ukraine.

Like it? Share it!

Leave A Response