faafaahin:ATMIS iyo ‘AS’ oo ku dagaalamay Gobolka Bakool.

by admin | Saturday, Jul 8, 2023 | 156 views

Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka ee Itoobiya oo u diiwaangashan howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ATMIS iyo dagaalamayaal katirsan ‘AS’ ayaa ku dagaalamay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Rabdhuure iyo Waajid ee Gobolka Bakool DG Koofur Galbeed.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ciidamadaan katirsan ATMIS ay isaga kala gudbayeen labada Magaalo ee Rabdhuure iyo Waajid ay la kulmeen weerar jidgal ah oo ay ku qaadeen xubno katirsan ‘AS’ sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Muddo ka dhow saacad ayay labada Ciidan dagaalamayeen waxaana soo kala gaaray waxyeello ay adag tahay in la ogaado inta ay gaarsiisan tahay maadaama goobta dagaalkaas uu ka dhacay aanay ka dhaweyn dadka deegaanka.

Marka laga tago sheegashada labada dhinac iyo saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo guullo muhiim ah ka sheegtay dagaalkaan waxaana sahlanayn in la helo ilo ka madaxbannaan oo sheegi kara inta khasaaraha uu gaarsiisan yahay.

Ciidamada Itoobiya ayaa isaga kala gudba Magaalooyin katirsan deegaannada Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubbaland oo saldhigyo waaweyn ay ku leeyihiin xilliyada ay gudbisanayaan Sahayda iyo ciidanka.

Like it? Share it!

Leave A Response