Madaxweynaha Ukraine oo tagay Turkiga, halka Putin uu dhowaan booqanayo Turkiga

by admin | Saturday, Jul 8, 2023 | 83 views

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa qorsheynaya in safar naadir ah uu ku tago dalka Turkiga bisha soo socota, sida uu shaaca ka qaaday madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Mr Erdogan ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaddib wadahadal uu kula yeeshay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Madaxweynaha Turkiga ma uusan shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waqtiga booqashada Putin, laakiin wuxuu sheegay suurtagalnimada heshiiska maxaabiis is-dhaafsiga ee Ruushka iyo Ukraine ay ka mid yihiin arrimaha laga wada hadli doono.

“Waxaan rajeynayaa inaan dhawaan natiijo ka heli doono arrintan,” ayuu Mr Erdogan u sheegay suxufiyiinta saacadihii hore ee Sabtida.

Putin iyo Mr Erdogan ayaa hore wadahadal ugu yeeshay dalka Kazakhstan bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy waxa uu sheegay in uu sugi doono natiijada ka soo baxda heshiis kasta oo maxaabiis isdhaafsi ah ka hor inta aanu faallo ka bixin, laakiin waxa uu intaa ku daray: “Waxa aanu ka shaqaynaynaa soo celinta maxaabiisteena, maxaabiista siyaasadeed.”

Madaxweynaha Ruushka ayaan booqanin dalalka NATO tan iyo markii uu billaabay duulaanka uu ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022.

Balse waxuu booqashooyin gaaban oo ku tagay Iran bishii Luulyo ee la soo dhaafay iyo dalka ay saaxiibka dhow yihiin Belarus bishii December.

Dalalka reer-galbeedka ayaa cunaqabateyn saaray dalka Ruushka, halka maxkamada caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ay soo saartay warqad lagu soo xirayo Putin oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal ee ah in Ruushka uu si sharci darro ah u tarxiilay caruur u dhalatay Ukraine intii uu socday dagaalka.

Laakiin inkasta oo ay jiraan xiisado, iyo xubinnimada Turkiga ee NATO, Mr Erdogan wuxuu ku dadaalay inuu sii wado xiriirka labada dal ee Ukraine iyo Ruushka inta lagu jiro khilaafka.

Turkiga kuma biirin cunaqabataynta dhaqaale ee reer galbeedka, balse waxa uu hub siiyay Ukrain waxa uuna diiday isku daygii Ruushka uu ku doonayay in uu ku qabsado dhulkiisa.

ICC-da ma lahan ciidamo booliis ah oo u gaar ah, khubarada ayaa hoos u dhigay rajada laga qabi lahaa in Putin la xiro mar dhow.

Mr Erdogan waxa uu aad u danaynayay in uu sii wado dhex-dhexaadinta labada dal, isaga oo ku guuleystay heshiis sannadkii hore lagu oggolaaday in si nabad leh haruurka looga dhoofiyo dakadaha Ukraine, kaddibna la soo sii mariyo badda madow.

Nuqulka heshiiska ayaa ku eg 17-ka July, balse hoggaamiyaha Turkiga ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo lagu kordhinayo heshiiska.

Madaxweyne Erdogan ayaa intii uu socday shirka jaraa’id waxa uu sidoo kale taageeray in Ukraine ay ku biirto NATO marka uu dagaalku dhammaado, wuxuuna sheegay inuu sii wadi doono dadaallada uu ku doonayo in wada xaajoodka lagu dhammeeynayo colaadda.

Like it? Share it!

Leave A Response