Dagaal ka dhacay degmada Afgooye & khasaaro ka dhashay

by admin | Tuesday, Oct 26, 2021 | 214 views

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xubno kamid ah Ururka Al-Shabaab, waxaana uu ka dhacay mid kamid ah Koontoroolada degmada Afgooye.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin Afgooye, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad.Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weerarkii kaga yimid Ururka Al-Shabaab, isla markaana dagaal ay la galeen ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka dowladda ay saaka wadaan howlgallo kala duwan oo lagu baadi goobayo Xubnihii ka yirsanaa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Like it? Share it!

Leave A Response