Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Garowe oo dib u bilowday kadib shilkii diyaaradeed ee Jabuuti Air

by admin | Sunday, Dec 6, 2020 | 360 views

Garoonka diyaaradaha Garowe ee caasimada Puntland, ayaa maanta dib u furmay labo maalin kadib markii diyaarad laga leeyahay dalka Jabuuti ay shil ku gashay, taasoo isku xanibtay dariiqii diyaaraduhu marayeen.

Maanta oo axad ah ayay si rasmi ah u bilowdeen duulimaadyadii gudaha iyo dibadda, iyadoo lagu guulaystay in diyaarada laga jiido garoonka bartamihiisa.

Puntland ayaa sheegtay in duuliyaha diyaaradu qalad sameeyay markii uu diyaarada uu soo dejinayay, taasoo keentay in uu qarxo mid kamid ah taayaradeeda.

Shirkaddaha duulimaadyada ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay isticmaalayay garoon macmal ah ii la yiraahdo Kanooko, kaasoo la isticmaali jiray intii uu garoonkaan dhismuhu ka socday sanadihii

Like it? Share it!

Leave A Response