Dagaal ka socda Magaalada Laas-Caanood & Mareykanka oo ka hadlay

by admin | Friday, Mar 31, 2023 | 118 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa xoogaga la magac baxay SSC, kuwaas oo ku dagaalamaya duleedka Magaalada.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada Somaliland oo dhaq dhaqaayo ciidan ka wada duleedka Bari ee Magaalada Laas-Caanood ay weerareen xoogaga SSC, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in dagaalka xoogiisu uu yahay mid madafiic leys weydaarsanayo.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka Maanta, iyada oo xaafadaha qaaree Magaalada Laas-Caanood ay ku dhaceen tiro madaafiic ah wallow badi dadkii deganaa Magaalada ay billaawgii dagaallada ka barakaceen.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa gurmadyo kala duwan uu soo gaarayay dhinacyada ku dagaalamaya duleedka Magaalada Laas-Caanood, taas oo cabsi gelisay dadka Shacabka ah, waxaana dagaalka Maanta uu kusoo aadayaa xilli Odayaal ka tegay Magaalada Muqdisho ay bilaabeen waan waan lagu dhex-dhexaadinayo dhinacyada dagaalamay.

Dhinaca kale Maraykanka ayaa si isa soo taraya uga walaacsan rabshadaha sii socda ee Lascanood waxayna ku biiraan saaxiibada kale ee caalamiga ah ee ku baaqaya in xiisadda la dejiyo, loona hoggaansamo xabbad-joojinta lagu heshiiyey, gargaarka bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn, iyo dib u bilaabista wadahadal wax ku ool ah oo lagu xallinayo colaada.

“ Rabshadaha sii socda waxay kordhin doonaan suurtagalnimada kooxaha xagjirka ah inay abuuraan xasillooni darro ballaaran oo ay uga sii dari doonaan dhibaatada bini’aadantinimo ee socota ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.

Waxaanu ugu baaqaynaa Somaliland inay dib u soo celiso ciidamadeeda ammaanka si ay u muujiyaan sida ay uga go’an tahay mabaadi’daas. Waxaan ugu baaqaynaa maleeshiyaadka ku sugan Laascaanood inay ka waantoobaan falalka guracan ee ka dhanka ah ciidamada Somaliland. Waxaan taageersanahay qorshaha ay wado dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo daad-gureynta ergada odayaasha beelaha, waxaana soo dhawaynaynaa ballan-qaadkii Madaxweynaha Somaliland Biixi ee ahaa inuu wefdiga kula kulmo Hargeysa ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warsaxaafadeedka.

Like it? Share it!

Leave A Response