14 Ruux oo shir Gari ku geeriyootay dalka Kenya

by admin | Friday, Mar 31, 2023 | 111 views

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya inay shil gaari ku dhinteen afar iyo toban qof oo ay ku jiraan arday, ka dib markii ay isku dhaceen bas jaamacadeed iyo gaari kale oo rakaab ah oo marayey galbeedka magaalada Nairobi.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in 12 qof ay ku dhinteen isla goobta uu shilku ka dhacay halka 2 qof oo kalena ay dhinteen intii loo sii waday cusbitaalka.

Baska waxaa saarnaa illaa 30 qof oo rakaab ah, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu ay sii korodho, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka booliska oo lagu magcaabo Tom Odera.

Baska oo ka tegey caasimadda Nairobi kuna socday magaalada Nakuru, ayaa darawalka gaarigu wuxuu markeliya lumiyey xakamayntii gaariga, isaga oo ku dhacay gaari kale oo waddada marayey.

Shilalka gaadiidka ayaa aad ugu badan dalka Kenya. Hay’adda qaran ee badbaadada gaadiidka ayaa sheegtay toddobaadkii hore in illaa 974 qof ay shilal gaari ku dhinteen dalka oo dhan, tan iyo bishii January ee sannadkan.

Like it? Share it!

Leave A Response