faafaahin wiil lagu dilay baladweyne.

by admin | Friday, Mar 31, 2023 | 114 views

Burcad Hubeeysan ayaa Xalay fiidkii Xaafada Kooshin gaar ahaan laanta Kutiimbo ee magaalada Baledweyne ku dilay wiil dhalinayaro ah oo hor fadhiyay albaabka gurigooda.

Burcada hubeysneyd ayaa la sheegay iney ahayeen labo nin oo doonayay iney ka dhacaan wiilka yar ay dileen Moobeyl uu ku daawanaayay banaanka kore albaabka gurigooda, hayeshee wiilka yar ayaa la sheegay in markii burcada qoriga ku qabteen Moobeylkiisii ku dhex tuuray gurigooda, taasi oo keentay in burcada xabad ku dhuftaan wiilka yaraa.

Wiilka dhalinyarada ah ee Mobeylka dartiis Buracada u dishay ayaa magaciisa lagu koobay Usaama, waxaana goobta isaga baxsaday burcadii dilka geystay, mana jirto cid dilkiisa loo soo qabtay .

Dhaca loo geysto dadka wata Moobeylada iyo agabka kale ee gacanta lagu qaato ayaa kusoo babadanaayay habeenadii ugu dambeeyay xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Laamaha amaanka Baledweyne ayaa wali wax war ah kasoo saarin xaaladaha amaan daro ee ka jira gudaha magaalada Baledweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response