Dagaalka Israa’iil ee Gaza.

by admin | Saturday, Apr 13, 2024 | 33 views

Qof Falastiini ah ayaa kormeeray burburka guri ku yaal tuulada Mughayir oo u dhow Ramallah ee Daanta Galbeed ee ay Israa’iil haysato 13-kii Abriil.
Intii lagu guda jiray weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen tuulada Duuma ee daanta galbeed, ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo Falastiiniyiin ah, waxaana tobonaan guryo ah ay gubeen dad Israa’iiliyiin ah.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen xarun ay leeyihiin ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, kaddib markii kooxda hubeysan ay tobanaan gantaal ku garaacday Israa’iil mid ka mid ah duqeymihii ugu waaweynaa tan iyo markii uu dagaalka billowday.
Xiisada ayaa weli ka taagan Israa’iil iyadoo ciidamadu ay ka feejigan yihiin weerar la filayo inuu kaga yimaado Iran, kaasoo halis gelinaya in dagaalka Qaza uu u sii baahayo dagaal goboleed.
Shan qof ayaa lagu dilay in ka badan 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ay Israa’iil ku qaadday bartamaha magaalada Qaza, sida uu sheegay difaaca shacabka ee deegaankaas.
Ugu yaraan 33,686 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 76,309 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

Like it? Share it!

Leave A Response