Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Shaaciyay In Ay Dib U Bilaabayaan Howlgallada Ka Dhanka Ah Al-Shabaab.

by admin | Saturday, Apr 13, 2024 | 28 views

aliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuyadiin Caddow ayaa shaaca ka qaaday in todobaadyada soo socda ay dib u billaabayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Sarreeye Gaas Ibraahim ayaa ku nuux-nuux saday in howlgallada ay hakad galeen maadaama lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Ciidanka Qaranku waxay ahaayeen kuwo difaac ku jiray bisha Ramadaan, waxayna xoojiyeen ammaanka goobihii ay markii hore ka xoreeyeen cadowga Khawaarijta, balse hadda dagaalku wuu soo laaban doonaa,” ayuu yiri Jen.

Taliyaha ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aan la siin waxa loogu yeero Zakawaadka, si ay hub ugu soo iibsadaan.

Si kastaba ha ahaatee, ugu yaraan 27 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar la fashiliyay oo ka dhacay agagaarka Baar Sanguuni oo ku dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Wasaaradda Warfaafinta ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in ciidamada dowladda ay heleen xog sirdoon oo horseeday in laga hortago weerarka. Waxa ay intaasi ku dartay in howlgalka lagu soo qabtay dhowr xubnood oo ka tirsan kooxda oo nool.

Like it? Share it!

Leave A Response