Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho{sawiro}

by admin | Monday, Jun 8, 2020 | 490 views

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in Maanta barqadii uu ku dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho uu ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Askariga iyo Wiilka dhalinyarada ah ay wada maurmeen taas oo keentay in dhowr xabadood uu ku dhufto,isla markaana wiilkii dhalinyarada ahaa oo Magaciisa lagu sheegay Yaxye shariif Daahir uu halkaasi ku geeriyooday.

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Akariga dilka u geystay wadihii Mooto bajaajta uu goobta ka baxsaday,halka wara kale ay sheegayaan in Ciidamada ku sugnaa halka uu dilka ka geystay ay qabteen.

Meydka wiilkii dhalinyarada ahaa ayaa waxaa goobta ka qaaday Ciidamada Dowladda iyo Ehelladiisa oo goobta tegay,waxaana la geeyay mid kamid ah xarumaha Caafimaad ee ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Inta badan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay dilal bareera ah u geystaan wadayaasha gaadiidka Mooto Bajaajta, kadib khilaaf soo kala dhex-galay,waxaana aad u yar askarta loo maxkamadeynayo dilalka darawalada Mootooyinka Bajaajta.

Like it? Share it!

Leave A Response