DFS & Dowlad Goboleedyada oo Warsaxaafadeed soo saaray

by admin | Monday, Oct 25, 2021 | 226 views

Wasaaradaha Gar-gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Heer Federaal, Heer Maamul Goboleed iyo Gobolka Banaadir ayaa ka shiray xaaladaha Bini’aadannimo ee ka taagan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay kasoo saareen Shirkooda oo ay guddoomisay Wasiirka Gargaarka Soomaaliya Khadiino Maxamed Diiriyr ayaa waxaa ay ku sheegeen in kulanka lagu gorfeeyay xaaladdaha Bini’aadanimo ee kasoo cusboonaaday goobo badan oo dalka ah, waxaana goobjoog ahaa Wasiiradda Gargaarka ee Hirshabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed, waxaa aaladda Fogaan-Araga
ama Zoom-ka uga qeyb galay Puntland, Jubbaland iyo Gobalka Banaadir.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Falanqeyn iyo qiimeyn kaddib ay diirada saareen sidii looga jawaabi- lahaa xaaladdaha Bini’aadanimo ay wajahayaan 7.7-Milyan oo qof oo Soomaali ah iyadoo la rumeysan yahay inay sababeen xaaladdaha soo socda:

1. XAALADDAHA ABAARAHA IYO BIYA-YARIDA DALKA.

Sida aan la wada socono qeybo badan oo ka mid ah dalka waxaa saameyn ku yeeshay Biya-yarida baahsan taas oo sababtay inay Xoolaha macluul iyo haraad u dhintaan.

Deegaanada ay sida aadka ah u sameeysay Biya-yarida iyo Abaarta waxaa ka mid ah:- Jubbooyinka, Gedo, Mudug iyo Galgaduud.

2.CUNA-YARIDA

In ku dhow 7.7-Milyan oo ruux ayaa wajahayo Cuna-yari daran taas oo ka dhalatay saameyntii ay reebeen Abaarihii, Fatahaadihii iyo Ayaxii saxaraha
ka yimid kaas oo galaaftay dalag badan islamarkaana baajiyay xilli badan oo ay dadka tabcan lahaayeen Beerahoodda.

Waxaa kale oo xaaladda sii cakiray faafida caabuqa COVID-19 iyadoo hirkii u dambeeyay uu saameeyay dhaqaallaha waxa uu sarakac ku keenay maciishada quutul-daruuriga ah.

3. FATAHAADDAHA

Deegaanada Hirshabeelle, gaar ahaan tuullooyin ku dhow dhow Baledweyne iyo Jowhar waxaa saameyn ba’an ku yeeshay fatahaadihii kal hore ku dhuftay kuwaas oo sababay barakaca dad badan oo beeraleey ahaa oo aan beerahoodda tabcan xilli-roobeedyadii lasoo dhaafay taas oo keentay
xaaladdo Bini’aadanimo.

4. NAFAQA-DARADA

In badan oo ka mid ah Haweenka, Caruurta iyo dadka da’da ah ayaa dhibtoonayo nafaqa-daro iyo macluul aad u daran oo ka dhallatay raadadkii xumaa ee isbeddelka cimiladda.

Hoos u dhaca wax soo saarka, qiimo kororka maciishada iyo biya-yarida ayaa weli sii kordhinayo macluusha.

Like it? Share it!

Leave A Response