DFS oo QM u gudbisay xaaladaha kajira Soomaaliya

by admin | Thursday, Jan 21, 2021 | 328 views

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud oo ku sugan Mareykanka ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Volkan Bozkir.

Wasiir Maxamed ayaa Madaxweynaha uga war bixiyey xaalada dalka Soomaaliya, guulaha ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay & horumarka ay ka gaartay arrimaha Siyaasadda, amniga & kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa ka mahadceliyey booqashada wasiirka & horumarka dowladda Soomaaliya, wuxuuna uu madaxweynuhu sheegay in ay sii labo jibaari-doonaan taageeridda QM ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maalmahan ku sugan dalka Mareykanka isagoo intii uu halkaas ku sugan yahay kulan la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo uu kala hadlay xaaladda wadanka.

Like it? Share it!

Leave A Response