Taliyeyaal & askar oo ‘loo xiray’ dilka guddoomiyihii degmada Hodan

by admin | Thursday, Jan 21, 2021 | 302 views

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu geystay guddoomiyihii maamulka degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Sida aan xogta ku helnay waxaa illaa iyo hadda xabsiga la dhigay taliyeyaasha saldhigyada Booliiska degmooyinka Howlwadaag iyo Waabari ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale la xiray dhammaan askartii ku sugneyd barta koontarool ee lagu dilay guddoomiye Cabdixakiin Dhagajuun, waxaana haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan, sida uu dhacay dilka guddoomiyaha.

Maamulka gobolka Banaadir ee uu horkacayo Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sidoo kale soo saaray amar de-deg ah oo la xiriira in baaritaan dhab ah lagu sameeyo shaqaaqadaasi, iyadoo guddi ka kooban todobo xubnood loo saaray aaska marxuumka.

Si kastaba guddoomiyaha la dilay ee maamulka degmada Hodan ayaa toogashadiisa waxa ay timid saacado uun, kadib markii uu ku soo laabtay gudaha magaalada Muqdisho, isaga oo bilihii u dambeeyey arrimo caafimaad ugu maqnaa wadanka Turkiga oo loo geeyey dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo lagula eegtay qeybo ka mid ah Caasismada.

Like it? Share it!

Leave A Response