DFS oo shaacisay xilliga Soomaaliya laga dhaafi doono Canshuurta waxyaabaha ay u iibgeyso Dalalka Carabta

by admin | Tuesday, Apr 4, 2023 | 199 views

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay inay ololo ugu jiraan inay ku xirnaadaan dunida inteeda kale si uu u kordho dhaqaalaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay dooneyso inay ku biirto Suuqa xorta ah ee Carabta, taasina ay dowladda Soomaaliya dadaalkeeda wado si loogu guuleysto oo Soomaaliya ay noqoto mid Ganacsigeeda uu kordho.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa ayaa sidoo kale sheegay in laga bilaabo 1-da Bisha May ee sanadkan Soomaaliya laga dhaafi doono Canshuurta waxyaabaha ay u iibgeyso wadamada Carabta.

Like it? Share it!

Leave A Response