DFS oo sheegtay in la xalin doono tabashada Reer Hiiraan ay ka qabaan Hir-Shabeelle

by admin | Saturday, May 29, 2021 | 277 views

Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay ka qeyb qaadan doonaan xalka garista cabashada ay Maamulka Hir-Shabeelle ka qabaan Shacabka ku nool degaannada Gobolka Hiiraan.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in la xalin doono cabashada dad ka ku nool Gobolka Hiiraan , isla markaana diyar loo yahay in xal laga gaarao.

Wasiirka oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Maamulka Hir-Shabeelle ku garab istaagi doonto sidii looga jawaabi lahaa cabashada Bulshada Gobolka Hiiraan, iyada oo kaashaneysa Golaha wadatashiga qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta dowlad Goboled & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Tan iyo markii Magaalada Jowhar lagu qabtay doorashadii ay kusoo baxeen Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo kuxigeenkiisa ayaa waxaa cabasho kasoo yeereysay Bulshada ku nool Gobolka Hiiraan, waxaana taasi ay keentay in Magalada Beledwyene loo diido in uu tago Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

Like it? Share it!

Leave A Response