Dhageyso:- Booliska Beledweyne oo gacanta ku dhigay Maandooriyaha Qamriga oo la sheegay in loo waday Muqdisho

by admin | Friday, Oct 9, 2020 | 349 views

Booliska Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Khamri farabadan oo sida la sheegay loo soo waday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Khamriga ayaa lagu qabtay sida wararku sheegayaan Kontoroolka horseed ee Waqooyiga Blaadweyne, waxaana Laamaha ammaanku ay sheegeen in ay gacanta ku hayaaan Khamirigii iyo dadkii waday, iaydoo ay sheegeen in ay hayaan Gaari laga soo buuxiyay Khamriga, ayna hayaan sidoo kale ruuxii waday Gaariga.

Laamaha ammaanka Baaldweyne ayaa sidoo kale waxaa ay sheegen in ay sii wadi doonaan howlgalada ay kula dagaalamayaan Maandooriyaha kala duwan ee degaanadaas lasoo galiyo iyo sidoo kale Gaadiidka lasoo marsiiyo Baladweyne ee lagu soo gudbiyo Maandooriyaha.
Taliyaha Saldhigga Booliska Beledweyne Laba Xidigle Maxamed Maxamuud Rooble (Qoorsheel) oo hadlay ayaa ballan qaaday in aay howl-galkan aay sii wadi doonaan.

Waxaa uu digniin u diray dadka ku howllan falalka noocaas ah ee isku dayaya in ay dalka ku dhex faafiyaan Maandooriyaha kala duwan ee Khamirigu ka midka yahay, waxaana ay wacad ku mareen in ay gacan bir ah ku qaban doonaan dadka lagu helo falalka la xariira Maandooriyaha oo dhibaaato badan ku haya Bulshada Soomaaliyeed.

Khamriga ayaa dhawaanahaan waxaa uu kusoo badanayay dalka, waxaana tiro dhowr jeer ah Gobolada dalka lagu qabtay Gaadiid farabadan oo siday Maandooriye, iyadoo degaanada Galmudug tiro dhowr jeer ah lagu bur-buriyay Khamri Farabadan oo loo soo siday Magaalaad Muqdisho e Caasimadda Soomaaliya.

Tallaabadan aay qaadeen ciidamada Booliska Beledweyne ayaana u muuqa mid dhanka ladagaalanka Maandooriyeyaasha kala duwan loo qaaday waxaana ciidamada amniga looga fadhiyaan in aay sidoo kale gacanta kusoo dhigaan dadka magaalada soo gilaya Maandooriyayaasha kuwa gada iyo dadka isticmaala.

Beledweyne ayaa kamid magaooyinka uu aad ugu badanyahay isticmaalka Maandooriyaha Qamriga waxaana jira dhowr ruux oo dad Qamri cabay oo dad wax yeeleeyay.
W/D:Bashiir cabdulahi cismaan
Baladweyne.soomaliya

 

Like it? Share it!

Leave A Response