Dhalinyaro Kenyaan ah oo ku biiray Al-Shabaab

by admin | Saturday, Aug 4, 2018 | 966 views

Sidda uu xaqiijiyay Afhayeenka Ciidamada Difaaca dalka Kenya Xubno ka tirsanaa dhalinyaradda Kenya ee kunoolaa gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa ku biiray Al-Shabaab Maalmihii lasoo dhaafay.

Falkaan ayaa ka dhacay degaanada hoos yimaada Magaalada Mandera sidda uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Kenya.

Waxaa uu sheegay in Koox dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka degaanada ku yaalla Xadka Soomaaliya iyo Kenya ay Shabaab ku biireen.

Waxaa uu tilmaamay in Ciidamada Kenya ay xoojin doonaan howlgallada ka dhanka Al-Shabaab, Maadaama Al-Shabaab ay doonayaan in ay shaqaaleysiiyaan dhalinyaradda Kenya kunool.

Afhayeenku Waxaa uu sheegay in tilaabaddaan ay dhib badan ku abuurtay, islamarkaana ay sameyn doonaan qorshayeyaal Shabaab looga badbaadinaayo dhalinyaradda.

Laamaha amaanka ee dalka Kenya ayaa dhalinyarad Kenyaanka ah  ee ka midka ah Al-shabaab u balan qaaday in aan la dhibaateyn doonin hadii ay ka soo baxaan Al-shabaab, xilli ay tilmaameen in dhalinyaro Kenyaan oo badan ay ka mid yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response