Digniin loo diray Shacabka degmada Caabudwaaq

by admin | Sunday, Oct 7, 2018 | 862 views

Taliska booliiska Magaalada Caabud_waaq ee gobolka Galgaduud ayaa soo saaray amaro la xiriira waxyaabaha maanka dooriya.

Taliska ayaa digniin u diray dadka waxyaabaha maanka dooriya magaalada soo geliya ee ka keena dalka Itoobiya.

Taliyaha booliiska Magaalada Caabud_waaq Dhamme Maxamed Yuusuf Axmed ayaa sheegay dadkii lagu qabtaa in lagu ganaaxayo lacag dhan 1500 doolar ka dibna xabsiga dhigi doono.

Waxa uu xusay in aysan raali ka ahayn in shacabka la marin habaabiyo amni darana laga shaqeeyo.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ay ku daba jiraan dad la sheegay in ay dalka Itoobiya ka keenaa waxyaabaha maanka dooriya shartcigana ay horgeyn doonaan.

Mudooyinkii dambe magaalada Caabud_waaq waxaa ku soo batay dad ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya oo dhibaato amni iyo mid bulsha ku heysa magaalada sida saraakiisha ay sheegeen.

Dhanka kale Taliska booliiska Magaalada Caabud_waaq ee gobolka Galgaduud ayaa shacabka ugu baaqay iney la shaqeeyaan hay’addaha amaanka Magaalada Caabud_waaq.

Like it? Share it!

Leave A Response