HALKUU MARAYAA WADAHADALKA DOWLADDA DHEXE IYO MUKHTAAR ROOBOW?

by admin | Sunday, Oct 7, 2018 | 866 views

Wafddi uu hoggaaminayo Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa shalay gaaray Magaakada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.

Taliyaha waxaa safarkiisa ku wehliya Xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh Guddoomiyaha Guddiga amniga Golaha shacabka iyo xubno kale.

Wadahadal lagu waday in uu xalay qabsoomo ayaan dhicin kaddib markii ay shalay magaalada Baydhaba gashay in Taliyaha Nabad Sugidda uu wato Ciidan ay xirayaan Mukhtaar Rooboow taas oo shaki kala dhex gelisay labada dhinac.

Wafddiga ay dirtay Dowladda ayaa 5tii Galabnimo ee shalay gaaray Baydhaba,waxaana ku adkaatay in ay magaalada galaan kaddib markii dadweynaha Magaalada oo maqlay war sheegaya in Mukhtaar Roobow la xirayo ay kacdoon sameeyeen.

Waxaana kaddib ay wafddiga xaqiijiyeen in aysan wadan ciidan sidoo kalena u socon in ay xirayaan Mukhtaar Roobow,waxaana markii dambe loo oggolaaday in ay magaalada galaan.

Ilo ku dhow labada Dhinaca ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in Hotelka uu Wafddiga degay ay gacanta ku hayaan ilaalada Mukhtaar Roobow,waxaana uu Mukhtaar u sheegay taageerayaashiisa in uusan dhib jirin sidaas darteedna ay nabad ku seexdaan.

Kulan ay xalay goor dambe yeesheen ayaa Mukhtaar loogu sheegay in aysan jirin waxa suuqa la geliyay ee ah in la xirayo,waxaana ay labada dhinaca isku afgarteen in maanta ay kulan rasmi ah yeeshaan kana wadahadlaan xaaladda taagan.

Ilo ku sugan Magaalada Baydhaba,ayaa sheegay in Wafddiga inta uusan bixin ay dowladda Federaalka ah u yeertay Roobow in ay kula kulanto Muqdisho,laakiin uu ka biya diiday,taas oo sababtay in Baydhaba loogu tago.

Maanta gelinka dambe ayaa la sheegayaa in la soo gaba gabeeyanayo Wadahadalka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Mukhtaar Roobow uga socda Magaalada Baydbaba.

Like it? Share it!

Leave A Response