SOMALILAND OO SHURUUD KU XIRTAY IN AY DIB ULA MIDOWDA SOMALIYA INTEEDA KALE.

by admin | Sunday, Oct 7, 2018 | 926 views

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay suuragal tahay in ay dib u midoobaan labadii Gobo lee isu tagay lixdankii,kuwaas oo markii dambe qeybta waqooyi ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale inkasta oo aanay aqoonsi helin.

Ergeyga Somaliland u qaabilsan wadahadalka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay in ay suuragaltahay in ay dib u midoobaan labada dhinac haddii sida ay sheegtay laga arko dowladda Federaalka ah.

Adna ayaa sheegtay in Somaliland ay in ay ka tanasusho gooni isu taagga haddii Soomaaliya inteeda kale ay ka dhalato dowlad ay shacabka doortaan islamarkaana garawshiyo ka bixisa tabashada Somaliland.

Wadahadallada Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ka billowdaan Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Dowladaha Holland iyo Denmark ayaa gadaal ka riixaya wadahadal deg deg ah oo ay yeeshaan labada dhinaca,waxaana danjirayaasha labada dal ee Kenya ayaa wadahadal kula yeeshay mas’uuliyiin ka kala socda labada dhinac.

Like it? Share it!

Leave A Response