Donald Trump oo markale ku dhawaaqay Go’aan lama filaan ku noqday Sacuudiga

by admin | Sunday, Oct 21, 2018 | 773 views

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ka noqday taageeradii uu xalay siiyey Boqortooyada Sacuudiga Warkii ay kasoo saartay dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi oo lagu sheegay inuu ku dhintay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul kadib dagaal dhex maray koox Sacuudiyiin ah.

Trump ayaa soo dhoweeyay go’aanada kasoo baxay Sacuudiga ee ahaa in Sacuudigu qirtay dilka saxafiga, wuxuuna sheegay inuu ku qancay tallaabooyinka hore ee ay qaaday boqortooyada Sacuudiga. balse caawa ayuu sheegay inuusan raali ka ahayn mowqifka Sacuudiga ka qaatay dilka Jamal Kashoqgi.

Wuxuu sheegay madaxweynaha Mareykanka in warbixin dhammeystiran ay heli doonaan Talaadada oo ku saabsan xaalada dilka saxafiga, isaguna uu la jahadli doono Boqorka iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga, wuxuuna caddeeyay inaan weli la ogeyn halkii uu ku dambeeyay meydka saxafiga.

Isbedelka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid kadib markii senatoorada Mareykanka ay waxba kama jiraan ku tilmaameen fasirka ay bixisay Sacuudiga, waxaana cadaadis lagu saarayaa in cunaqabateyn lagu soo rogo Sacuudiga.

Like it? Share it!

Leave A Response