XOG: Shaqsi Al shabaab ay ka baqaan oo Taliyaha Nabad sugida loo Magacaabayo

by admin | Sunday, Oct 21, 2018 | 771 views

Warar hoose oo ay heleyso  ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu wado Latashiyo ku aadan Shaqsiyaad lagu bedelaayo Taliyahii Nabad sugida  oo iscasilay, isagoo ah noqday Musharax Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.

Sarkaal Madaxtooyada Soomaaliya ka tirsan ayaa inoo sheegay in uu kulamo goon gooni ah ka wado Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana shaqsiga ugu cad cad ee xilkaasi loo magacaabayo lagu sheegay Khaliif Axmed Irig.

Wasiirkii hore ee amniga Qaranka Soomaaliya Jen. Khaliif Axmed Irig oo sidoo kale hore usoo noqday taliyaha Hay’adda Nabad sugidda ee gobolka Banaadir ayaa la filayaa in loo magacaabo Taliya Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kalsooni badan ka muujinaya Irig inuu wax badan ka qaban karo xaaladaha amni daro ee dalka ka jira, isagoo ka mid ah ragii Al shabaab sida weyn ula soo dagaalamay intii laga saarayay magaalada Muqdisho, isagoo sidoo kale hormuud ka ahaa qorshe dowlada Mareykanka ay ku dishay Hogaamiyeyaal Al shabaab ahaa.

Khaliif Irig ayaa in badan ka soo shaqeeyay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya, Waxaana dad badan ay aaminsan yihiin inuu wax ka qaban karo ammaanka magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response