FAAH FAAHIN Macallimiin lagu dilay Magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Oct 21, 2018 | 748 views

Labo Macalin oo mid ka mid ah uu ahaa Maamule ayaa xalay fiidkii lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Huriwaa, iyadoo kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.

Wararka ayaa sheegaya in labada Macalin la dilay lagu kala magacaabi jiray Sayid Maxamed Xasan iyo Maxamed Maxamuud Xasan.

Macalimiintan ayaa ka mid ahaa maamulka Iskuulka Al Furaat ee degmada Yaaqshiid, waxaana la sheegay in kooxihii dilka geystay ay horay u qaateen Computero iyo Mobile ay wateen.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilkan, waxaana uu qeyb ka yahay dilalka ujeedooyinka badan leh ee ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response