Howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda Gobalka Hiiraan

by admin | Sunday, Oct 21, 2018 | 822 views

Faarax Cali Waasuge Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Guutada 5-aad ee gobolka Hiiraan oo la hadlay Warbaahinta dowlada  ayaa waxaa uu ka hadlay Howlgalada ka dhanka ah ee Dagaalamayaasha Al-shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.
Taliyaha waxaa uu sheegay in ay ka qabsadeen Deeegaanno badan  dagaalamayaasha Al-Shabaab  oo hadana ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada, islamarkaana uu sii socon doono  Howlgalka lagu furayo wadooyinka, laakin ma sheegin Deegaanada ay la wareegeen magacyadooda.
“Howlaglka wali ma dhamaan wuu socdaa cadawgana meel walba waan ka saareynaa ilaa iyo inta lagu guuleysanyo cadawga Alshabaab”ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha Ciidamada  Guutada 5-aad ee gobolka Hiiraan Korneyl Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay in dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada looga baahanyahay iney la shaqeeyaan ciidanka si looga guuleysto Cadowga.
Gobalka Hiiraan ayaa hada ayaa waxaa ka soconaya Howlgal ay sameynayaan Ciidamada Xoogga iyo kuwa AMiSOM, kuwaasi oo qorsheynaya sidii Al-Shabaab ay ugu saari lahaayeen deegaanada ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response