Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Beledweyne

by admin | Wednesday, Mar 23, 2022 | 322 views
Magaalada Beledweyne ee Gobolka hiiraan waxaa hadda ka bilaabatay doorashada laba kursi oo kamid ah golaha Shacabka, kuwaas oo kala ah Kursiga HOP#063 kaas oo ay kutartamayaan ilaa 9 musharax iyo Kursiga HOP#011 oo ay ku tartamayaan laba musharrax.
Shalay ayaa qorsuhu ahaa in la qabto  doorashada  balse dib loo dhigay sababo la xiriira muran dhinaca ergada ah oo ka taagna balse xalay la xaliyay sida aan Wararka ku helnay, waxana doorashada labada Kursi ugu adag Kursiga HOP#063 kaas oo ay kutartamayaan ilaa 9 musharax oo uu kujiro Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo kursigaan ku fadhiya.
Musharixiinta kursiga ugu adag ee HOP#063 Maanta kutartamaya ayaa waxaa ay kala yihiin.
1 Cabdulahi Goodax bare
2 Nadar tabaax maalin
3 cabdi rasaaq cabdulahi macalin ciid
4 daahir xaaji aadan
5 ibraahim xabeeb nuur
6 yuunis khaliif xasan
7 cabdi afrax guure
8 Xiirey Axmed roble
9 maxamed iidle sabriye
Like it? Share it!

Leave A Response