Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta ka dhacaysa Kismaayo

by admin | Thursday, Aug 22, 2019 | 572 views

Baarlamanka Maamulka Jubbaland ayaa la filayaa in  maanta oo Khamiis ah ay  magaalada Kismaayo ku doortaan  Madaxweynaha cusub ee maamulkaas oo ay isku soo taageen illaa Afar musharax oo uu ku jiro Madaxweynaha waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Axmed Maxamed Islaam.

Waxaa aad loo adkeeyay Amniga Xarunta ay ka dhaceysa doorashada Madaxweynaha Jubbaland,waxaana Amniga sugaya Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM, iyada oo gebi ahaan la joojiyay Magalada Kismaayo socdaalka, Cirka dhulka iyo Badda intaba.

Musharixiinta Maanta ku tartamaya doorashada Madaxweynaha Jubbaland  ayaa Arbacadii todobaadkaan waxaa ay jeediyeen khudbadahoda musharaxnimo oo ay kusoo bandhigayeen waxaa ay qaban doonaan,waxaana ay kala yihiin.

1: Axmed Maxamed Islaam

2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow)

3: Musharax Maxamed Cumar Geedi

4:  Canab Maxamed Daahir

 

Doorashada Maanta ka dhaceysa Magalada Kismaayo ayaa natiijada kasoo baxda waxaa horay u sheegay inaysan aqoonsan doonin Dowladda Federaalka Soomaaliya halka Beesha Caalamka ay si lamid ah shaki gelisay inay aqoonsato.

Like it? Share it!

Leave A Response