Dowladda oo fartay in doorashadda Koonfur Galbeed ay waqtigeeda ku dhacdo{AKHRISO:}

by admin | Tuesday, Nov 6, 2018 | 761 views

Xilli Xaalad Siyaasadeed oo adag ay ka jirto Magaalada Baydhabo ayaa arintaasi, waxaa goor dhow war kasoo saartay Wasaaraddda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Warka kasoo baxay Wasaaraddda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa siddaan u qornaa:

Wasaaradda A/Gudaha “Doorashada dowlad goboleedka K/Galbeed waa inay ku qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka”

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.

Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.

Dhammaad

Like it? Share it!

Leave A Response