Dowladda oo lacag ugu deeqday Garoonka kubadda Cagta Dr Ayuub

by admin | Sunday, Sep 8, 2019 | 711 views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ku wareejiyey 150kun oo dollar oo lagu dhisayo Garoonka kubadda Cagta Dr Ayuub ee Magaalada Baydhabo.

Waxaa uu ka dalbaday maamulka Koonfur Galbeed dardargalinta dhismaha Garoonka Magaalada Baydhabo ee kubadda Cagta.

Dowladda ayuu sheegay Xasan Cali Kheyre in ay diyaar u tahay soo nooleynta goobaha ay ku cayaaraan dhalinyaradda si looga hortaggo in ay ku biiraan Kooxaha hubeysan.

Horay ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre Lacag ugu deeqay dhismaha Garoomadda Kubada cagta ee ku yaalla degaanada maamulka Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response