Trump oo Baajiyey Kulan uu la yeelan lahaa Xubno ka tirsan Taalibaan

by admin | Sunday, Sep 8, 2019 | 555 views

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xalay shaaciyey inuu qorshaynayey inuu maanta xarunta Camp David ee ay ku nastaan madaxweynayaasha Maraykanka uu ku qaabilo madaxweynaha Afghanistan iyo ergo ka socota ururka Taalibaan.

Trump ayaa sheegay inuu hadda kulankaas joojiyey sababtoo ah markii ay soo baxday in Taalibaanku ay sheegteen mas’uuliyadda qarax toddobaadki hore ka dhacay magaalada Kabul oo dadka ku dhintay uu ka mid ahaa askari u dhashay Maraykanka. Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu hakiyey wadahadalladii xal u helidda waddanka Afghanistan lala waday Taliban.

Dad badan ayaa Maanta siweyn waxa ay u hadal-haayaan go’aanka uu Madaxweyne Trump ka qaatay la kulanka hoggaamiyeyaal ka socda Ururka Taalibaan.

Like it? Share it!

Leave A Response