Odayaal ka hor-yimid ciidan ay DF Somalia dooneyso inay ka qaado degaankooda

by admin | Sunday, Sep 8, 2019 | 608 views

Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Baledweyne ayaa waxay si adag uga horyimaadeen amar ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo dhanka kale dowladda ku eedeeyay fara-gelin inay ku hayso reer Hiiraan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay amartay in ciidan ku sugan magaalada Baledweyne loo kaxeeyo Gobolka Galgaduud, kuwaa oo ay sheegtay in wixii agab ah ay iyadu siin doonto. Ciidankan oo bilaa hub ah ayay dowladdu ka dalbatay inay taggaan Gobolka Galgaduud.

Odayaasha Dhaqanka ee reer Baledweyne oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay ka horyimaadeen amarka ka soo baxay Dowladda Federaalka.

Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay kulanka ka dib sheegeen inaanay ciidamadu ka bixi doonin Magaalada Baledweyne, isla-markaana aanay tageynin Magaalada Dhuusamareeb.

Odayaasha Dhaqanka ayaa sidoo kale waxay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen in ay fara-gelin ku hayso bulshada reer Hiiraan, taasoo ay sheegeen inaanay u dulqaadi doonin.

Sidoo kale waxay dalbadeen in ay Magaalada Baledweyne isaga baxaan Saraakiil uu hogaaminayo Taliyaha qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, C/casiis C/laahi Qooje , oo Sabtidii gaaray magaaladaasi.

Saraakiishan oo iyagu Magaalada Baledweyne kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa waxay sheegeen inay halkaasi u yimaadeen, sidii ay uga qayb qaadan lahaayen gulufka Shabaab looga saarayo Deegaanada Hirshabelle.

Saacado ka hor ayay ahayd markii Maamulka Gobolka Hiiraan uu ka horyimid in ciidamada laga kaxeeyo Baledweyne, lana geeyo Gobolkaasi Galgaduud.

Like it? Share it!

Leave A Response