Madaxda dowladda oo Shuruud ku xiray Sii deynta Wasiir Janan

by admin | Sunday, Sep 8, 2019 | 584 views

Guddi ka socday maamulka Jubbaland iyo Waxgaradka Gedo oo la kulmay Madaxda Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa sheegay in la hor dhigay Shuruudo ka yimid dhanka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuwaasoo looga baahan yahay Jubbaland in ay fuliso si loo sii daayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan .

Axmed Maxamuud Cumar, Gudoomiye Ku Xigeenka Gudiga Madaxa Banaan  Xaduudaha Iyo Doorashooyinka Jubaland ayaa sheegay in ay la kulmeen Mas’uuliyiinta dowladda  laakiin laga dalbaday Shuruudo u muuqday kuwa siyaasadeed oo loo baahan yahay in la fuliyo si loo sii daayo Wasiir Janan.

Kulamo aan la yeelaney Madaxda Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu Madaxwaynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta Wasiirka” ayuu yiri Axmed Cumar.

Waxaa sidoo kale tilmaamay in qodobadda la hor dhigay dhammaantood ay yihiin kuwo ku aadan kala qeybinta bulshadda degaanada maamulka Jubbaland.

“Qodobadda qaarkood waxay ahaayeen qabyaalad cad, kala qaybin iyo iska horkeen dadka reer Jubbaland”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response