Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

by admin | Tuesday, Nov 17, 2020 | 321 views

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howgal qorsheysan ka fuliyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Shabeelloyinka iyo Hiiraan.

Taliyaha Ururka 4 Aad ee Kumaandooska Danab Labo Xidigle Maxamed Saleebaan ayaa shegay in howlgalka lagu burburiyay Saldhigyo aay Gobolada Hiiraan & Shabeellooyinka ay ku lahaayeen Ururka Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Taliyaha in Ciidamada DANAB ay howlgalka ku qabteen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah, Madaxii Maaliyadda Gobolka Hiiraan Xasan Yuusuf  Cali , Madixii  Maktabka Waxbarashada Dumarka ee Degaanka Ceelcade Cali Cabdulle Jilacow, iyo Madixii Sakawaadka Al-Shabaab ee Gobolada Shabeelloyinka  Cabdullahi isxaaq Xuseen.

Ugu dambeyn Taliyaha Ururka 4 Aad ee Kumaandooska Danab Labo Xidigle Maxamed Saleebaan waxaa uu sheegay in Ciidamada DANAB ay howlgalka sii wadi doonaan ilaa ay Al-Shabaab ka saaraan degaannada ay weli ku sugan yihiin ee gobolada dalka.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Ciidamada Kumaandooska DANAB ay howlgal ka sameeyeen degaanka Gamboole ee gobolka Shabeellaha hoose, howlgalkaas oo Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response