Wafdi ka socda DDS oo soo gaaray gobolka Bakool kulamana ka bilaabay

by admin | Monday, Nov 16, 2020 | 354 views

Wafdi ka socda Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya o ka kooban Heer Gobol iyo Heer degaan oo maalmahaan socdaal ku marayay Xaduudka uu Goolka Afheer la wadaago Soomaaliya ayaa soo gaaray degmada Yeed ee gobolka Bakool.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha degmada Yeed kusoo dhaweeyay Maamulka degmada & Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada dowladda & kuwa Koonfur galbeed iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga ka socday dowlad degaanka Soomaalida oo u jeedka safarkooda uu yahay adkeynta qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Yeed, iyaga oo kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa sugida Amniga.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Xubnaha Wafdiga inay booqasho ku tagaan degaano kale oo ka tirsan gobolka Bakool, iyaga oo la kulmi doona Mas’uuliyiinta degaannada ay booqdaan iyo Bulshada ku nool.

Like it? Share it!

Leave A Response