Dowladda oo soo bandhigtay Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo isa-soo dhiibay

by admin | Friday, Jul 30, 2021 | 253 views

Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen ciidanka dowladda ee howl-galada kawada Aaga u dhexeeya Guriceel iyo ceelbuur, ee gobolka Galgaduud Maamul Goboleedka Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen inay xiriir la soo sameeyeen Ciidamada ee qaybta ka ah howl-galada culus ee Alshabaab looga saarayo Deegaanada ay joogaan ee u dhexeeya Ceelbuur iyo Guriceel iyo Madaxda Barnaamijka qaran ee dhaqancelinta maleeshiyadka DRP ee Galmudug.

Saraakiishaan oo lagu kala magacaabo Maxamed Nuur Bare iyo Mowliid Cumar faarax (Ciro) ayaa sheegay in ay ka tanaasuleen Al-Shabaab, iyagoo Codsaday in la cafiyo, diyaar u yahay in ay la dagaallamaan Al-Shabaab.

Gaashaanle sare Cabdulaahi Cabdi Raage oo ka tirsan saraakiisha NISA ee Galmudug iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Cartan ” Gasaawe” oo qayb ka ah saraakiisha Qaybta 21-aad oo soo dhaweeyay xubnahan Alshabaab kasoo tagey ayaa sheegey in ragan ay xiriir lasoo sameeyeen saraakiisha ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay inay isisoo dhiibaan.

Like it? Share it!

Leave A Response