Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland oo ka shiray xal u helida arrinta Gobolka Gedo.

by admin | Monday, May 15, 2023 | 142 views

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Doodishe.

Kulankan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Jubaland ayaa lagaga hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha Gobolka Gedo.

Kulankan oo daba socday kulankii hore ayaa la isla soo qaaday sidii Degmooyinka Gobolka Gedo loo gaarsiin lahaa adeegyada ay bulshada u baahan yihiin iyo sidii looga hergalinlahaa degmooyinka gobolka Gole degaan.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa taagan khilaaf ka dhashay arrinta Gobolka Gedo kadib markii dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu degmooyinka Gobolka Gedo kala wareegay Maamulka Jubbaland, hayeeshee dowladda hadda jirta ay weli xal u keeni la’ahay arrinta Gobolka Gedo.

Like it? Share it!

Leave A Response