Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo ka wada hadlay arrimaha deyn cafinta

by admin | Monday, May 15, 2023 | 170 views

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Muhammed Al-Jasser, kulanka oo ka dhacay Xafiiskiisa Madaxweynaha ee Magaalada Jeddah ee Dalka Saudi Arabia.

Wasiirka Maaliyadda iyo Wafdigiisa ayaa kala hadlay madaxweynaha Bangiga sidii Bangigu uga qeyb qaadan lahaa arrimaha Horumarinta Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan dib-u-habeynta Maaliyadda, hannaanka Deyn-Cafinta iyo taageerada Bangiga oo ku saleysan sidii uu uga qeyb qaadan lahaa mashaariicda horumarinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Muhammed Al-Jasser ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siweyn ugala Shaqeyn doonaan sidii ooga cafin lahaa deynta lagu leeyahay.

Wasiirka Maaliyadda ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Muhammed Al-Jasser taageerada ay had iyo jeer la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada dadaaladii ugu dambeysay eek u aadan sidii deynta looga cafin lahaa, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu dhawaan sheegay in in deynta laga cafiyo ay ku xiran tahay in ay wadashaqeyn yeeshaan Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada

Like it? Share it!

Leave A Response