Shirkadaha Caalamiga oo Indhaha ku haya Hawlaha Baarista Shidaalka Soomaaliya

by admin | Monday, May 15, 2023 | 192 views

Shirkadaha waa weyn ee Takhasuska u leh Sahminta iyo Baaritaanka Shidaalka ayaa dadaalkii ugu dambeeyey ugu jira Hawlaha Sahminta Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee dhex ceegaaga Badda iyo Berriga dalka Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Madasha Tamarta ee Shirkadda Shidaalka Maraykanka ee Coastline Exploration ay horkacayso dadaalka dib-u-cusbooneysiinta ee Qeybta Shidaalka iyo Gaaska ee Somalia, kadib, markii ay Fasaxa 7 xirmo Shidaal oo ku yaalla meel ka baxsan Xeebaha dalkeena ka heleen DFS sanadkii hore ee 2022-kii.

Madasha (S&P Global) waxay kaloo daabacday inay Shirkadaha Shidaalka ee ExxonMobil iyo Shell ka fekerayaan inay go’aansadaan inay dib ugu soo laabtaan dalka Somalia, kadib, markii ay DFS ku heshiiyeen Qaabka Shaqo bishii March ee sanadkii 2020-kii.

Madaxa Shirkadda Shidaalka ee Coastline Exploration, Richard Anderson waxa uu sheegay inay suurtogal tahay in Xeebaha Somalia laga soo saari karo Tobanaan milyan oo Fuusto oo Shidaal ama xitaa ka badan.

Waxa uu intaasi ku daray inay Shirkadda Coastline Exploration oo 7 milyan oo Dollar ku bixisay Xirmooyinka baarista Shidaalka Somalia ay bilaabeen doonaan Iskaanka 3D seismic scanning bisha November ee sanadkan 2023-ka, isla markaana ay qodista Ceelasha Shidaalka bilaabi doonaan Bartamaha sanadka 2025-ka.

Shirkadaha Caalamiga ee Shidaalka ee Chevron, ENI, ExxonMobil iyo Shell waxay Sahminta Shidaalka iyo Gaaska ee Somalia ka bilaabeen sanadihii 1950-aadkii, balse waxay Somalia isaga soo carareen markii uu Dagaalka sokeeye ka qarxay sanadkii 1991-k

Like it? Share it!

Leave A Response