Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarka ay saakay alshabaab ku qaaday saldhiga qaayib.

by admin | Monday, Nov 7, 2022 | 389 views

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in milatariga Soomaaliya iyo Dadka degaanka ay Al-Shabaab ku jabiyeen dagaal ka dhacay magaalada Qaayib ee degmada Baxdo, ka dib markii ay Al-Shabaab saaka weeraro ismiidamin ah ku qaadday saldhig miltariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee SONNA General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay inay khasaaro gaarsiyeen Al-Shabaabkii weerarka ku qaaday degaanka Qaayib.

Dagaalka ayaa saaka salaaddii subax kadib ka billowday deegaanka Qaayib oo qiyaastii dhowr iyo soddon kiiloomitar u jira magaalada Baxdo, waxaa la sheegay in labo gaari oo lagu soo raray walxaha qarxa lagu weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka oo taaageero ka helayo militeriga Soomaaliya ee fadhigeedu yahay deegaankaas.

Dowladda Soomaaliya iyo Al-Sabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalka, waxaana saaka Al-Shabaab u suurto gashay inay degaanka la wareegaan wallow markii dambe dib looga qabsaday.

Like it? Share it!

Leave A Response