Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ATMIS aysan ka helin taageeradii looga baahnaa ee dagaalka Alshabaab

by admin | Tuesday, Jul 18, 2023 | 194 views

La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin Maxamuud ayaa daboolka ka qaaday in dowladda Soomaaliya aysan howlgalka ATMIS ka helin taageeridii looga baahnaa dagaalka Alshabaab.

Xuseen Macalin Maxamuud waxa uu sheegay qorshaha howlgalka AMISOM loogu beddelay ATMIS inay ahayd, inay qaadaan weeraro guurguura oo lagu beegsanayo Alshabaab. Hase ahaatee, wuxuu tilmaamay arrintaasi in aanay dhicin.

La taliyaha amniga qaranka wuxuu sheegay, Dowladda federalka inay isku tashatay oo ay kaligeed qaaday howlgallo guurguura, kuwaas oo dhul badan oo katirsan Hirshabeelle iyo Galmudug looga xoreeyay kooxda Alshabaab.

“Lagasoo bilaabo Abril 2022, sharuudaha ATMIS   waxay ahaayeen inay qaadaan dagaalo guurguura. Nasiib darro arrintii ma aysan dhicin. Nasiib wanaag, Dowladda Soomaaliya ayaa shaqadeedii iskasii qabsatay, iyadoo aanan taageero badan ka helin ATMIS,” ayuu yiri la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.

Xuseen Macalin Maxamuud wuxuu sheegay sababta ay Dowladda heshiiska ula gashay dowladaha deriska in ay tahay, in ay u muuqan weyday, in ATMIS ay isku diyaarinayso qaabka dagaalada jabhadaha ah.

Wuxuu sheegay ATMIS inay ku andacoodeen in ay u xayiran yihiin diyaarado wax duqeeya oo ay ka sugayaan caalamka. Ugu dambayn, wuxuu sheegay qorshaha dowladda inuu yahay in ATMIS ay ku ekaato inay ilaaliso amniga goobaha ay ku sugan tahay, inta ay dowladda dalka ka xoraynayso.

Like it? Share it!

Leave A Response