Hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya oo walaac weyn ka muujiyay ka bixitaan Ruushka ee heshiiska Haruurka

by admin | Tuesday, Jul 18, 2023 | 168 views

Hay’adda caalamiga ah ee Badbaadinta  (IRC) ayaa waxay si weyn walaac uga muujisay ka bixitaanka Ruushka ee heshiiska Hadhuudhka soo mara Badda Madow, taasoo ay sheegtay inay khatar gelinayso mustaqbalka dhoofinta hadhuudhka gobolka.

Hay’adda IRC iyo hay’ado kale oo caalami ah ayaa sheegay go’aanka uu Ruushka kaga baxay heshiiskan in uu dhibaato weyn ku yahay in ka badan 349 milyan oo qof oo adduunka ah oo wajahaya cunto yari.

“Laga soo bilaabo Ukraine ilaa Soomaaliya, macaamiisha IRC waxay la kulmayaan saamaynta xun ee cuntada iyo qiimaha tamarta ee 500 maalmood oo uu socdo dagaalka Ukraine. Ka bixitaanka heshiisku waxa uu halis gelinayaa in haqab-beelka cuntada adduunka lagu hayo madax-furasho,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda IRC.

Ku dhawaad 80% badarka bariga Afrika waxaa laga keenaa Ruushka iyo Ukraine. Iyadoo in ka badan 50 milyan oo qof oo ku nool Bariga Afrika ay wajahayaan gaajo daran, iyo qiimaha cunnada oo kor u kacay ku dhawaad 40% sanadkan.

“Carqalad kasta oo ku timaada saadka cuntada ee caalamiga ah xilli baahidu jirto waxay yeelan kartaa cawaaqib xun.

Dadka aduunka ugu nugul waxay wajihi doonaan cawaaqib xumada ka dhalan karta ka bixitaanka heshiiska.”ayay tiri IRC.

Heshiiska uu ka baxay Ruushka ayaa ah heshiis saddex geesood ah oo u ogolaanaya Ukraine inay dekedaheeda ka dhoofiso badarka inta lagu jiro dagaalka ay kula jirto Ruushka.

Heshiiskan ayaa ka caawiyay in la joojiyo gaajada adduunka oo sii xumaanaysay iyo in laga hortago kor u kaca qiimaha cuntada adduunka oo dhan.

Sababta uu Ruushka uga baxay heshiiskan ayaa lagu sheegay kaddib markii qaraxyo lagu garaacay buundada Ruushka ee Crimea, taasoo Moscow ay ku tilmaantay weerar ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, halkaasoo ay ku dhinteen laba qof.

Buundada wadada ayaa halbowle u ah ciidamada Ruushka ee ka dagaalamaya Ukraine.

Like it? Share it!

Leave A Response