Dhageyso:-Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay dagaal beeleed kasoo cusboonaaday gobolka Shabeellaha Dhexe

by admin | Tuesday, Jul 18, 2023 | 182 views

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaal beeleedka ayaa si gaar ah uga soo cusboonaaday inta u dhaxeeysa degmooyinka Raagge Ceelle iyo Cadale, kaasoo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo wada dega deegaanadaas.

Wasiirkka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure ayaa sheegay in maalmahii lasoo dhaafay ay wadeen dadaalo nabadeed oo ay ku doonayeen in lagu dhameeyo colaada u dhaxeeysa beelaha walaalaha ah ee wada daga Raage Ceelle iyo Cadale, islamarkaana uu kala hadlay odayaasha labada beel in la dhameeyo colaada.

Wasiir Karoore ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney wax ka qabato dagaal beeleedka kusoo laablaabtay deegaanadaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe oo uu xusay iney saameyn ku yeesheen dadka deegaanka.

Gabagabadii Wasiirka dib u heshiisiinta maamulka Hirshabeelle Cabdullaahi Cadde oo dhankiisa ka hadlay colaada kasoo cusboonaatay Raagge Ceelle iyo Cadale ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee wada daga deegaanadaas, isagoona ka dalbaday dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney ciidamo kala dhex dhigto labada maleeshiyo beeleed.

Like it? Share it!

Leave A Response