Tuugsadaha ugu lacagta badan Adduunka iyo tirada lacagta uu heesto oo la ogaaday !

by admin | Tuesday, Jul 18, 2023 | 201 views

Nin u dhashay dalka Hindiya kaas oo si maalinle ah uga dawarsada jidadka magaalada Mumbai ayaa la sheegay inuu yahay maalqabeen heysta adduun lacageed oo gaaraya hal milyan oo doollar.

Halka dad badan oo Hindi ay si saacado badan maalin walba u shaqeeyaan si ay u helaan waxoogaa rupees ah, Bharat Jain, oo loogu yeero ‘tuugsadaha ugu maalqabeensan dunida’ wuxuu sida lagu soo warramay maalin walba sameeyaa lacag dhan 2,000 ilaa 2,500 oo lacagta Hindiya laga isticmaalo ah oo uu ka helo dadka ladan.

Wuxuu sida la sheegay aad uga dawarsan jiray meelaha dadka iskugu yimaadaan ee isgoysyada sannado badan, wuxuuna ka dhex noqday caan lacag fiican ka sameeyey tuugsiga. Adduunka lacagta la sheegay inay u keydsan tahay waxaa lagu qaddaray  7.5 crore ($1 million), wuxuuna labo qol oo shidan ku leeyahay magaalada Mumbai oo qiimo ahaan ku fadhiya 1.2 crore; labo dukaan oo bishii loogu kireeyo 30,000 rupees. Dakhliga billaha usoo gala waxaa lagu qiyaasay inay gaarayso 60,000 rupees ($731) ilaa 75,000 rupees ($914). Waana lacag ka badan midda shaqaalaha caadiga ah ee Hindiya uu bishii heli karo.

Sida ay ku warrantay Economic Times, Bharat Jain ma heli karin fursad waxbarasho iyo lacag uu noloshiisa ku dabbaro toona, wuxuuna doorbiday inuu tuugsade noqdo. Laakiin carruurtiisu lamid ma ahan. Mana doonayaan inay qaadaan tabtiisa oo kale. Waxay ka baxeen wax-barashada heerka sare dhammaantood. Wayna shaqeystaan. Maadaama ay dabari karaan noloshiisa inta ka dhiman, ilmihiisu marwalba way ka waaniyaan inuu tuugsado waxayna ku cadaadiyaan inuu joojiyo.

Sidaas oo ay tahay, maalin walba wuxuu usoo baxaa jidadka si uu u tuugsado. Taniyo sannadkii 2015-ka ayuu heystay hadalheynta qaran ee dalkiisa iyo warbaahinta Hindiya oo dhan. Magaciisu wuxuu hadda kamid yahay kuwa loogu raadinta badan yahay baraha internet-ka.

Like it? Share it!

Leave A Response