Dowladda oo Ciidamo horleh geysay Gobolka Galgaduud iyo howlgallo ka billaawday

by admin | Tuesday, Jul 18, 2023 | 108 views

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Ciidamo horleh waxaa ay geysay degaano hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Ceeldheer ee ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, si ay qeyb uga noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamadaan oo ka baxay Magaalada Muqdisho, isla markaana wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa degmada Galcad kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka lugta iyo Saraakiil kale.

Ciidamadaan ayaa waxa la sheegay inay qeyb ka noqon doonaan wajiga labaad ee howlgalka ka dhan ka ah Al-Shabaab, waxaana warar kale ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tegi doono degmada Galcad, isla markaana fariisin uu ka sameysan doono, si uu u hago howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka dhulka Janeraal Axmed Aadan Cali ookulamo gaar aar ah la qaatay Saraakiisha iyo Ciidamada ayaa sheegay in howlgallada ka socon doonaan dalka ilaa Al-Shabaab laga xorreynayo, isaga oo Ciidamada ugu baaqay inay u diyaar garoobaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa wajigii labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa ay kula wareegeen degaano dhowr ah oo 10-kii sano ee la soo dhaafay ay gacanta kuhayeen Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response