Kulamo looga arrinsanayo sidii go’doonka looga qaadi lahaa Baydhabo oo ka billowday Magaaladaas.

by admin | Tuesday, Jul 18, 2023 | 110 views

Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa ka socda kulamo looga hadlayo sidii go’doonka ay gashay Magaaladaas looga qaadi lahaa sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo ku dhow kulankaan.

Saraakiisha Ciidamada ku sugan Baydhabo ee Federaalka, Midowga Afrika ee ATMIS & Daraawiishta ayaa kulamo gaar gaar ah yeeshay iyaga oo ku ballamay fadhi guud oo ay ku dejinayaan qorshaha go’doonka lagu qaadayo.

Kulamada socda waxaa qayb ka ah saraakiil katirsan Madaxtooyada DG Koofur Galbeed si abaabulka dhankooda ay qayb weyn uga qaataan isla markaana go’doonka saaran Magaalada Baydhabo laga dulqaado.

Isbaddel dhanka Maciishadda ah ayaa ka taagan Magaalada Baydhabo, Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS oo deegaan Doorashadoodu tahay Koofur Galbeed ayaa dalbaday in si degdeg ah loo qaado howlgallo ballaaran.

Waxa ay sheegeen in Caanaha, Xoolaha iyo waxyaabaha kale ee duleedka Baydhabo & deegaannada kale hoostaga Xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed laga keeno in ay labo laab noqdeen qiimihii la iibin jiray kahor go’doonkaan.

Like it? Share it!

Leave A Response