Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo gaaray degmada LUUQ.

by admin | Tuesday, Jul 18, 2023 | 144 views

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid Aadan oo kasoo kicitamay magaalada Kismaayo ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka, kana degmada iyo bulshada rayidka ah.

Safarkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland,mas’uuliyiin kale iyo saraakiil ka tirsan maamulkaasi.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay agagaarka garoonka iyo qaybo kale oo kamid ah degmadaasi.

Luuq ayaa kamid ah meelaha haatan laga taageeray maamulka cusub ee uu Axmed Madoobe u magacabay Gedo, kaas oo uu hoggaamiyo Cabdullaahi Shimbir.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo ka bilaabo halkaasi, kuwaas oo looga hadli doono amniga iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Like it? Share it!

Leave A Response