Madaxweynaha galmudug oo dhuusamareeb ku qaabilay  madaxa unicef ee soomaaliya

by admin | Tuesday, Jul 18, 2023 | 230 views

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamarreeb ku qaabbilay wafdi ay hoggaamineysay Ms. Wafaa Saeed oo ah madaxa Unicef ee Soomaaliya, sidoo kale kulanka waxaa ku wehlinayay madaxda hay’adaha kale ee Qarammada Midoobe ee UNHCR, IOM iyo FAO.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda ay hay’adaha QM ka wadaan guud ahaan Soomaaliya, si gaar ahna Galmudug iyo sidii loo baahin lahaa adeegyada bulsho ee kala duwan sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, kobcinta dhaqaalaha sida beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo isbeddelka cimillada.

Ugu dambeyn madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa kala hadlay in muhiimadda ugu weyn la siiyo xalka waara iyo kobaca dhaqaalaha isagoo uga mahadceliyay howlaha ay QM ka waddo gudaha deegaannada Galmudug iyo dhismaha xafiiskooda ee Dhuusamarreeb.

Like it? Share it!

Leave A Response