Madaxweynaha Somalia oo ka dagay Jowhar + Ujeedka

by admin | Tuesday, Jul 18, 2023 | 168 views

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirSHballe, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere uga hortegay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudllaawe iyo labada gole ee maamulkaasi.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhxexe.

Sidoo kale wuxuu mas’uuiyiinta HirShabelle kala hadli doonaa xallinta khilaafka ka jira maamulkaasi, gaar ahaan arrimo ku aadan xiisadda kala dhalatay xilka qaadistii dhawaan lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu booqdo furimaha hore ee dagaalka, si uu u dhiiro-geliyo ciiidamada Xoogga iyo kuwa Macawiisleyda ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ay kadib usii gudbi doonaan dhanka Galmudug, isaga oo tegi doono furinta dagaalka.

Like it? Share it!

Leave A Response