Mooshin isla xisaabtan ah oo lagasoo gudbiyay guddoonka golaha shacabka

by admin | Monday, Jul 17, 2023 | 121 views

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin isla xisaabtan ah ka keenay guddoonka golaha shacabka.

Sida uu sheegay xildhibaan katirsan baarlamaanka, guddoonka baarlamaanka ayaa lagu eedeynayaa inay cuuryaamiyeen fadhiyadii baarlamaanka, iyadoo muddo 7 cishe ah uusan baarlaamaanku fadhi yeelan.

“Kaliya waxaa la rabaa toosin iyo isla xisaabtan baarlamaanku inuu aado, lala xisaabtamo xubnaha golaha shacabka ee iska maqan. Maalin walba waxaad u jeedaan inuu kalfadhigu ku furmayo 130 xildhibaan. 140 xaggay aadeen? Yaa fasaxay? Xeer nuucee ah ayaa lagu fasaxay? Guddoonku 30 xildhibaan ayuu fasixi karaa,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Abuukar  oo katirsan baarlamaanka.

Kulankii ugu horreeyay ee ay maanta yeesheen baarlamaanka waxay xildhibaanadu ku eedeeyeen guddoonka shacabka, in xildhibaanada loo diiday in ay ka hadlaan aragtidooda ku aaddan ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee 2023.

Guddoonka baarlamaanka oo dhawaan sheegay inuu tallaabo ka qaadidoono xildhibaanada iska maqan, lama oga in tallaabadaasi ay dhaqan gali doonto.

Like it? Share it!

Leave A Response