Taliyaha ciidanka Dhulka oo gaaray Galcad abaabul Dagaalna bilaabay{sawiro}

by admin | Monday, Jul 17, 2023 | 157 views

Taliyaha Ciidanka dhulka ee milatariga Soomaaliya General Axmed Aadan ayaa gaaray degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud, halkaas oo fariinsin u ah cutubyo Ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka joogaan, isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka xoogga, waxaana uu ka dhagaystay warbixino la xidhiidha xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada Khawaarijta lagu sifeynayo.

Taliyaha ayaa Ciidanka ku ammaanay guulihii ay ka gaadheen howlgaladii ugu dambeeyey ee lagula dagaalamay Al Shabaab, waxa uuna sheegay in gwbogebo yihiin Al Shabaab.

Jeneraalka ayaa ciidanka ku war-galiyay in ay u diyaar garoobaan wajiga labaad howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab oo la filayo in maalmaha soo socda ka bilowdo bariga Galgaduud.

Like it? Share it!

Leave A Response